11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Shiikh Xasan Turki oo sheegay in aysan ka jirin wax Dowlad ah, uuna ka taliyo Jen. Ciidamada Itoobiya madax u ah

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, October 01, 2007(HOL): Shiikh Xasan Cabdalla Xirsi (Shiikh Xasan Turki) oo isagoo ku sugan Deegaan ka tirsan Koofurta fog ee Soomaaliya u waramayay Barnaamijka Kulanka Maanta (Liqaa’ulyoom) ee ka baxa Taleefashinka Al-jazeera ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay mar kale qabtaan Xukunka Dalka Soomaaliya.

 

Shiikh Xasan Turki oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in ay dalka Soomaaliya dagaal kaga saarayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan, wuxuuna sheegay in ay mar kasta Ciidamada Itoobiya ku weeraraan gudaha Soomaaliya, ayna dhibaato u geystaan.

 

Mar uu ka hadlayay Cidda ka dambeysa weerarrada lagu qaado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee caawinaya waxaa uu sheegay in ay weerarradaasi ka dambeeyaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in midkii ku dhinto uu yahay mid shahiiday, halka midkii aan dhimanin-na uu sheegay in uu ku noolaan doono Sharaf iyo Xornimo.

 

Shiikh Xasan Turki oo aan in muddo ah warkiisa la maqlin tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga itaal roonaaday xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu aamisan yahay in aaney Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah oo ay dadku soo doorteen, waxa ka jirana ay yihiin dowlad ay Itoobiya soo dooratay oo Jaasuus u ah Mareykanka iyo Itoobiya.

 

Wuxuu intaas ku sii daray Shiikh Xasan Turki in Dalka Soomaaliya uu ka taliyo Jen. Gabre oo madax u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga, sidaas darteedna haddii ay wada hadal gelayaan ay isaga la hadlayan, “Waxaan Wada-xaajood la galaynaa Genaral Gabre, wada-hadalkeenana waxaa uu noqon doonaa rasaas iyo madaafiic, waxaan weerari doonnaa Ciidamadooda oo aan ugu dambeynta ka takhalusi doonnaa”ayuu yiri Shiikh Xasan Turki oo sheegay in duqeyntii diyaaradaha Mareykanka uu Allaah ka badbaadiyay.

 

Shiikh Xasan Turki oo ka mid ahaa Golihii Shuurada Maxkamadihii Islaamka waxaa uu ka hadlay sababta keentay in uu ku biiro Maxkamadihii Islaamka, waxaa uuna yiri “Waxaan Idaacadda BBC-da ka maqlay Sheekh Xasan Daahir oo ku gacan-sayray Bashiir Raage oo igu tilmaamay inaan ahay qof Argagixiso ah, kaasi oo aan aad uga carooday, iyadoo uu Sheekh Xasan sheegay inaan ahay Muwaadin Soomaali ah, waxaana go’aansaday inaan Ciiddamaddayda ku jiray Xeradda Tababarka Raas Kambooni ku soo biiriyo Dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka” ayuu yiri Sheekh Xasan Turki, oo intaasi ku daray:- “Waxaan ogaa haddii uu Bashiir Raage ka guuleysto Golaha Maxkamadaha inuusan aniga i  dhaafi doonin oo uu igu imaan doono Deegaanka Raas Kambooni”.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayuu sheegay Shiikh Xasan Turki in uu ahaa nin ugu horeeyay oo Ciidamo Itoobiyaan ah ku soo hoggaamiyay Dalka Soomaaliya xiligii uu dagaalamayay Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, welina uu iyadii wato, sidoo kalena wuxuu sheegay in Ra’iisal Wasaare Geeddi uu yahay nin ay Ra’iisal Wasaarenimadiisa ka dambeeysay Dowladda Itoobiya.

 

Shiikh  Xasan Turki oo wax laga weydiiyay in ay dagaalyahanno ajnabi ah ka dhinac dagaalameen markii ay dagaalka kula jireen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya waxaa uu yiri “Haddii uu C/llaahi Yuusuf ciidamo Maraykan iyo kuwo Itoobiyaan ah keenay dalka Soomaaliya, maxaa noo diidaya inaan Walaalaheenna Islaamka u yeerano, si ay inoo taageeraan?”

 

Shiikh Xasan Turki oo markii la wareysanayay ay hareerahiisa ka muuqdeen Ciidamo ilaalo u ahaa oo aad u hubeysan ayaa waxaa uu sheegay in ay dejinayaan Istaraatiijiyad ay dagaal kula gelayaan Ciidamad Itoobiyaanka ah ee heysta Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu carrabka ku dhuftay Magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).