11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Laascaanood oo dadaal ugu jira in ay baajiyaan Dagaal dhexmara Ciidamada Somaliland iyo Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 30, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Odayaal iyo Waxgarad magaaladaas ku sugan ay dadaaal weyn ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen dagaal ka dhex dhaca Ciidamo ka kala amar qaata Maamullada Somaliland iyo Puntland oo isku hor-afdhiya Deegaanka Ari-Caddeeye.

 

Odayaasha iyo Waxgaradka dadaalka nabad-raadinta ah wada ayaa waxay howshooda nabdeynta ah bilaabeen kadib markii Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee isku horfadhiya Deegaanka Ari-Caddeeye ay is-rasaaseeyeen, sidoo kalena ay Ciidamo gurmad ah labada dhinac u kala yimaadeen.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Odayaashan Xal-doonka ah ay doonayaan in ay saraakiisha labada ciidan la xiriiraan, isla markaana ay ka dhaadhiciyaan in aaney wax dagaal ah qaadin.

 

Mas’uuliyiin u kala hadlay Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay isku eedeeyeen in uu dhinacba kan kale uu dagaal ku soo qaaday, isla markaana uu doonayo in uu qabsado dhul uusan lahayn.

 

Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay in muddo ah isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen, iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo gacan ku heynta Gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay gacan ku heyntooda ku dagaallamayaan Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay si weyn u daneynayaan in ay ka madax banaanaadaan maamulladaas dushooda ku hardamaya, isla markaana ay yeeshaan nidaam labada dhinac ka madax bannaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).