11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka warbixiyay Rasaas xalay lagu furay Gurigiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 30, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu ka hadlay rasaaseyn xalay loo geystay Guriga uu ka degan yahay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in aaney waxba ka jirin warar horay u soo baxay oo sheegayay in xalay ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen gurigiisa, wuxuuna sheegay in raasaaseyntii gurigiisa lala beegsaday ay ka dhalatay kala shaki dhexmaray Ciidamo Roondo sameynayay iyo ilaalada gurigiisa, kuwaasi oo uu caddeeyay in ay markii dambe is-aqoonsadeen.

 

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee ku aadan in aan xalay la weerarin gurigiisa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan dambe ay sii xumaaneysay xaaladda ammaan ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Maalintii dorraad ahayd ayay ahayd markii Kooxo maleeshiyooyin ah ay rasaaseeyeen Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax, kaasi oo ku sii jeeday Magaalada Marka, iyadoo ka sii horna deegaanka Ceel Jaalle lagu dilay Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka marxuum Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil.

 

Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Deegaanka Kuunyo-Barrow lagu dilay Afar Ruux oo ku sugnaa meel Dhuxusha lagu shido, kuwaasi oo la sheegay in ay dilkooda geysteen kooxo hubeysnaa oo aan la ogeyn sababtii ay Afartaas Ruux u dileen.

 

Ugu dambeyntiina, Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Marka ayaa waxaa muddooyinkan dambe ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah, waxaana dhowr jeer lagu waxyeeleeyay Dad safar ahaa, kuwaasi oo loo geystay falal isugu jira Dil, Dhac iyo Kufsi, mana jirto ilaa iyo haatan Tallaabo uu Kooxahaas nabadgelyo darrada wada ka qaadayo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).