11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Qoysas ka barakacay Magaalada Muqdisho oo gaaray Gobollada Shabeellooyinka Hiiraan, Bay iyo Bakool

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 30, 2007(HOL): Qoysas fara badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay gaareen gobollo dhowr ah oo ku yaala Soomaaliya, iyadoo dadkaasina ay ka carareen dhibaatooyinka ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Dadkani Muqdisho ka barakacay ayaa waxay gaareen deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Bay iyo Bakool, iyadoo lagu soo waramayo in markii ay tageen meelo ka nabdoon halkii ay ka carareen ay hadana noloshii ku adkaatay bacdamaa aysan wadan wax sahay ah.

 

Dadkani oo badankood ka barakacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaana Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxay ka carareen iska hor-imaadyo aan kala joogsi lahayn oo dhexmara Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisimo ka sameystay meelo u dhow guryahooda iyo Kooxo hubeysan oo weerarro ku qaada habeenkii.

 

Dad kale oo aad u tiro badan oo deegaanno KMG ah ka sameystay hareeraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa iyana waxaa la soo deristay xaalad nolol xumo ah, iyadoo meelaha qaarkoodna la sheegayo in aysan dadku heysan biyo ay cabaan oo nadiif ah iyo weliba raashin ay manaafacaadsadaan.

 

Waxaa jiray baaqyo ay jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ay Hay’adaha Samafalka ay gurmad deg deg ah la gaaraan Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax gurmad ah oo dadkaasi gaaray.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo ku noolaa guryahooda oo Muqdisho ku yaala ayaa waxay isaga carareen Magaalada Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen weerarrada habeenkii dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo isu adeegsada rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo aan loo meel dayin

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).