11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Golaha Wasiirrada kala qeybgalay Shir looga hadlayay Ammaanka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 29, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu ka qeybgalay kulan ay Xaruntii Nabad-sugidda Muqdisho ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulankaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda ammaan ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Tan Muqdisho oo beryahan faraha ka sii baxeysa.

 

Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ee kulanka kala qeybgalay ayaa waxay si weyn uga hadleen xaaladaha nabadgelyo darro ee ka jira Caasimadda Muqdisho oo xalay oo ugu dambeysay ay ka jireen Dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Sidoo kalena, waxaa shirkii maanta ee golaha Wasiirrada ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Taliyayaasha Nabadgelyada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ka warbixinayay sida ay xiligan tahay Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimo kale oo ku saabsan xariga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo muddo todobaad ka badan Xabsi ku jira, kaasi oo lagu soo eedeeyay in uu lunsaday lacag ay mushaar ahaan u lahaayeen Shaqaalaha Garsoorka.

 

Ugu dambeyntiina, Shirka Golaha Wasiirrada ee ay ka qeybgaleen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isu socodka Waddooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana saakay saacado kooban la xiray Waddooyinka gala Xarunta Nabad-sugidda ee ka yimaada xarumaha ay degan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo ku kala yaala Degmooyinka Wardhiigley iyo C/Casiis ee Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).