13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in uu dhamaaday isticmaalka Baasaboorkii hore

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 27, 2007(HOL): Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in uu dhamaaday xiligii loo qabtay Isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in mudadii loo qabtay isticmaalka Baasaboorka cusub uu ku egyahay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27/09/2007, isagoo xusay in aan maanta kadib lagu soo geli doonin, loogana dhoofi doonin Baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa.

 

C/llaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo furayay Xafiiska Waaxda Socdaalka Muqdisho uu muddo labo bilood ah ku kordhiyay isticmaalka Baasaboorkii hore kadib markii ay soo gaareen cabashooyin dhowr ah oo ka imaanayay Dadka Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in maanta wixii ka dambeeyo ay Dadka Soomaaliyeed isticmaali karaan Baasaboorka cusub ee ay soo sameystay Dowladda Federaalka, kaasi oo ah mid casri ah oo aan la been abuuri karin, wuxuuna caddeeyay in baasaboorka laga qaadan karo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas-Caanood, halka uu xusay in ay qorsheynayaan in ay Xarumo kale ka sameeyaan Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa.

 

C/llaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska uu ku leeyahay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay in ay Dalal dhowr ah oo Dibadda ah ay kala hadleen Baasaboorka cusub ee ay soo saartay Dowladda Soomaaliya, isla markaana aan Dal ku gal dambe lagu soo saari doonin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, wuxuuna dalalka ay la hadleen ka xusay Imaaraadka Carabta, Kenya iyo Sacuudiga.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxay Dad badan oo Soomaaliyeed su’aalo iska weydiinayaan sida ay Dowladaha Caalamka u aqoonsan doonaan Baasaboorkan marka laga soo tago mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo sheegaya in Baasaboorkan uu yahay mid Caalamka laga aqoonsan yahay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).