13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Saraakiil ka socda Midowga Afrika oo maanta Muqdisho booqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 27, 2007(HOL): Saraakiil Ciidan oo ka socota Midowga Afrika ayaa maanta waxay booqdeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.

 

Saraakiishan Ciidan oo ka socda 17 Dowladood oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa waxaa hoggaaminayay Mr. Penal Peraru oo ah madaxa istaraatiijiyada Golaha Ammaanka Midowga Afrika, waxay kulamo la qaateen Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan ayaa ujeedada uu Muqdisho u yimid waxaa lagu sheegay sida ay wax u qabanayaan Ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo weliba sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen Xaaladda Ammaan ee ka jirta Muqdisho.

 

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo tiradooda gaareyso 1,600 oo askari, kuwaasi oo ilaalo ka haya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, Xarunta Villa Somalia iyo weliba Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Ciidamada Lugta Ciidamada Uganda Katumba Wamala ayaa sheegay in ay dhawaan Muqdisho u dirayaan Saraakiil Mileteri, kuwaasi oo tababar siin doona Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, “Ciidamadeena weligood ma sii joogayaan Soomaaliya, weyna baxayaan, sidaas darteed waa in la helaa Ciidamo ay leedahay Dowladda Soomaaliya oo howsha kala wareega Ciidamadeena”ayuu yiri Katumba Wamala.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Saraakiil ka socota Midowga Afrika ay booqdaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii ay Dowladda Federaalka gacan ku heynteeda la wareegtay, waxaana dhowr jeer oo hore booqday Khubarro Mileteri oo ka socday AU-da, kuwaasi oo u kuurgelayay Xaaladda Ammaanka ee Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).