13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in ay qaab sharci ah ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 27, 2007(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee Baydhabo ayaa waxay isku raaceen in khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka lagu dhameeyo qaab sharci ah.

 

Kulankii ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyahooda Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa waxaa warbixin looga dhegeystay guddi uu baarlamaanka u saaray in ay ka soo talo bixiyaan sida laga yeelayo mad-madowga soo kala dhexgalay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kadibna ay mudanayaasha isku raaceen in qaab sharci ah loo wajaho xalinta mad-madowga soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

160 Mudane oo fadhiday kulankii maanta ayaa 150 ka mid ah waxay isku raaceen in madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay Baarlamaanka hor-yimaadaan, isla markaana waxa ay isku hayaan lagu dhameeyo Baarlamaanka hortiisa, halka ay go’aankaas 7 Mudane aamuseen, 3 kalena ay diideen.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka Soomaaliya isku raaco in is-qabadka madaxda sare ee Dowladda Federaalka lagu dhameeyo qaab sharci ah, iyadoo dhawaan ay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu sheegay in khilaafka madaxda sare ee Dowladda uu yahay mid aan la qarin karin.

 

Ugu dambeyntiina, Khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo is-qabad dhinaca awood qeybsiga ah, Sharciga Baarista Shidaalka iyo weliba xariggii dhawaan loo geystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun, kaasi oo uu soo xiray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre oo wararka qaarkood ay sheegayaan in uu gacan saar la leeyahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka Guddoomiyaha Maxkamadda sare isna lagu riixo dhinaca Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).