13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 27, 2007(HOL): 2 Ruuux oo rayid ah ayaa geeriyooday, seddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ay Waxyaabo Qarxa ku weerareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo canshuur ka uruurinayay qeybta Galleyda lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha.

Labada Ruux ee geeriyootay oo Rayid ahaa ayaa waxay kala ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah oo lahaa meel lagu sanceeyo Kabaha iyo Nin Da’ dhexaad ah oo isna Wade ka ahaa Gaari Dameer yaalay Qeybta Galleyda Suuqa Bakaaraha, waxayna labaduba ka mid ahaayeen sida muuqata Dadka Rayidka ah ee maalin walba u soo shaqo taga Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dadkii halkaas ku sugnaa rasaas ku kala eryay, inkastoo markii dambe uu Suuqa sidiisii hore ku soo noqday, ganacsigii qeybtaasna uu dib u bilowday.

 

Sidoo kalena Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay nin rayid ah ku dileen Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo aan la ogeyn sababtii ninkaas loo dilay. Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyin dambe wuxuu noqday meel maalin kasta Dad lagu dilo, iyadoo maalintii shalay ahaydna gudaha Suuqaas lagu dilay seddex Ruux.

 

Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federalka Soomaaliya oo ka howlgelayay Suuqa Xoolaha ayaa waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan, waxaana la sheegay in weerarkaas oo waxyaabaha qarxa loo adeegsaday uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamadii howlgalka sameynayay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay mid aan hagaagsaneyn, waxayna taasi ku kaliftay Dad badan oo Soomaaliyeed in ay guryahooda isaga cararaan, isla markaana ay raadsadaan meel u dhaanta Muqdisho Nabadgelyo ahaan xitaa haddii ay Dalka oo dhan ka baxayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).