13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Suuqa Bakaaraha oo noqday meel maalin kasta Dad lagu dilo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyin dambe wuxuu noqday meel maalin kasta Dad lagu dilo, iyadoo maanta oo ugu dambeysayna gudaha Suuqaas lagu dilo seddex Ruux.

 

Seddexda Ruux ee maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa labo ka mid ah waxaa lagu dilay qeybta Dawada lagu iibiyo, iyadoo dilka Labadaas Nin oo Rayid ahaana ay dileen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

Nin kale oo Rayid ahaa ayaa sidoo kale maanta lagu dilay agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ninkaasina la sheegay in uu ahaa Nin Goob Taleefoonnada laga dirsado ku lahaa Xaafadda Cali Kamiin. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in ninkani la dilay uu xiriirka dhinaca Ganacsiga ah kala dhaxeeyay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa dilalka ka dhacaya aawgood wuxuu sii noqonayaa mid ay sii yaraanayaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee uu mashquulka ku ahaan jiray, waxayna ganacsatada qaarkood haatan bilaabeen in ay alaabahooda ka rartaan, isla markaana ay ganacsigooda u wareejiyaan Suuqyada Suuq Bacaad, Siinaay iyo Xamar-weyne, iyadoo taasina ay walaac weyn ka muujinayaan Ganacsatada Hantida Ma-guurtada ah ay ka taallo Suuqa Bakaaraha.

 

Ma jirto cid rasmi ahaan sheegi karta Cidda ka dambeysa Kooxaha Dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho guud ahaan, gaar ahaana Suuqa Bakaaraha, waxaana in la garan waayo keeneysa iyadoo dhawaan ay gudaha Suuqa Bakaaraha Dilal ka geysteen Rag  Dhar Cad ahaa oo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo la sheegay in ay Kooxaha Nabadgelyo darrada wada ku ugaarsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteed ayaana la caddeyn karin in dilalka dhacaya ay isu geysanayaan dhinacyda is-ugaarsanaya ee Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda iyo in Dadka la dilayo ay yihin Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay mid aan hagaagsaneyn, waxayna taasi ku kaliftay Dad badan oo Soomaaliyeed in ay guryahooda isaga cararaan, isla markaana ay raadsadaan meel u dhaanta Muqdisho Nabadgelyo ahaan xitaa haddii ay Dalka oo dhan ka baxayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).