13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in aysan u xirneyn Idaacadda Shabeelle

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in aysan u xirneyn Idaacadda Madaxa Bannaan ee Shabeelle oo maalintii 8aad Hawada ka maqan.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn amar ka soo baxay Dowladda Federaalka oo lagu xiray Idaacadda Shabeelle, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu maleynayo in ay howl-wadeenada Idaacadda ay iyagu garteen in ay Idaacadda xirtaan kadib markii ay ka baqeen in ay dhibaato ka soo gaarto howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow Maxamed oo wax laga weydiiyay sida ay ku suurtageli karto in ay Idaacaddaas dib u howlgasho iyadoo ay Ciidamo dul-degan yihiin ayaa wuxuu sheegay in aysan iyagu u oolin in ay ka hadlaan howlgallada ay Ciidamada Dowladda amniga ku sugayaan.

 

Laakin iyadoo uu Wasiirka Warfaafinta sheegayo in aysan Idaacadda u xirneyn Dowladda Federaalka ayaa hadana Ku simaha Agaasimaha Idaacaddaas Jacfar Kuukaay waxaa uu sheegay in Idaacadda ay u xiran tahay Dowladda Federaalka, isagoo taasina sabab uga dhigay in  Wasiirka Warfaafinta uu  horay Idaacadda Shabeelle ugu tilmaamay in ay tahay Idaacad soo shaac baxay Xiliga fowdada, isla markaana uu dhibayo nidaamka, sidoo kalena ay gaareen hanjabaado uga yimid qaar ka mid ah Ciidamada ku sugan nawaaxiga Idaacadda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, xirnaashaha Idaacadda Shabeelle ayaa waxaa ka hadlay Ururro u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Saxaafadda iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in si deg deg dib hawada loogu soo celiyo Idaacaddaas oo ka mid ahayd Idaacadaha Codka dheer ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).