Isniin, September 24, 2007(HOL): Isbaheysigii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Jen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa loo maacaabay Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Fulinta, iyadoo Xuseen Maxamed Caydiid loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe, halka C/raxmaan Maxamuud Jinaqow loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.
Sidoo kalena, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Col. Cumar Xaashi Aadan-na waxaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, halka Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde loo doortay Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay wada dhisteen maxkamadihii Islaamka, Xubnihii la baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Xubno ka socday Bulshada Rayidka iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa waxaa guddoomiyaha Guddiga Fulinta ka ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madax ka ahaa Maxkamadihii Islaamka, halka Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan isna uu yahay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga, waxaana xusid mudan in Isbaheysigan uu leeyahay Gole dhexe oo ka kooban 191 Xubnood.
Sidoo kalena Isbaheysigan ayaa wuxuu leeyahay Astaan gaar ah oo ah Calanka Soomaaliya oo lagu daray labo Waran oo is-cuskan, Caleemo iyo Kitaabka Qur’aanka oo dusha ka saaran. Bashiir Yuusuf Xirsi oo ka mid ah Isbaheysigaas ayaa sheegay in Warmaha ay u taagan yihiin dagaalka loo gelayo xoreynta Soomaaliya, halka caleemahana uu tilmaamay in ay astaan u yihiin Nabad iyo Barwaaqo.
Isbaheysigan ayaa sheegay in uu ololeynayo sidii Ciidamada Itoobiya looga xoreyn lahaa Soomaaliya, isla markaana loo soo celin lahaa Dowladnimadii Soomaaliya. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xubnaha Firfircoon ee Isbaheysigan ayaa dhawaan wuxuu sheegay in ay bilaabeen dagaallada ay Dalka Soomaaliya kaga saarayaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mar hore dad u direen gudaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






