Isniin, September 24, 2007(HOL): Ciidamo kala taabacsan Maamullada Somaliland iyo Puntland oo in muddo ah isku hor-fadhiyay Deegaanka Ari-Caddeeye ee Gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in uu saakay dhexmaray dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka labada Ciidan dhexmaray oo ahaa mid Xooggan ayaan ilaa iyo haatan la sheegi karin wax khasaare ah oo ka dhashay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay labada dhinac dhaawacyo kala qaateen.
Daryanka madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan ayaa saakay laga maqlayay magaalada Laas-caanood, iyadoo dhawaqa madaafiicdaas ay si weyn u cabsi geliyeen dadka ku dhaqan Magaalada Laas-caanood.
Ciidamadan kala taabacsan labada maamul ee
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay waxay ku loolamayeen gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag oo dadka degani ay door-bidayaan in ay ka madax banaanaadaan labada maamul ee ciidamadooda ay ku dul hardamayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka dhexmaray Ciidamada labada maamul ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan laga furay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool Xafiis ay leedahay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Sooamaliya, kaasi oo laga qaadan karo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xafladdii lagu furayay xafiiskaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday maamulka Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






