Isniin, September 24, 2007(HOL): Dagaal oo xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaas oo socday muddo nus saac ah ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi fariisin ku leh iyo kooxo hubeysan oo la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen.
Ilaa shan ruux oo seddex ka mid ah ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas ku geeriyooday, waxayna wararku intaas ku darayaan in Ciidamada geeriyooday uu ku jiray Taliyihii Ciidamadaas heystay oo lagu magacaabi jiray Nuur Warsame Xiireey.
Waxaa kale oo uu dagaalkaas geystay dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo deegaankaas ka dhawaa, kuwaasi oo dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena, waxaa jiro khasaare aan la xaqiijin karin oo ay dhinacyadii dagaalamayay isu geysteen, kuwaasi oo isu adeegsaday hub aad u culus oo dhawaqiisa laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo joogto ah tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii Janaayo ee sanadkan, xiligaas oo ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay Maxkamadihii Islaamka kala wareegtay gacan ku heynta deegaano badan oo ay ka talinayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






