
Isniin, September 24, 2007(HOL): Deegaanka Bowdo-dhogore oo ka tirsan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay laga hirgeliyey barnaamij dhireyn ah oo in ka badan 100 noocyo geedo kala duwan ah lagu talaalay.
Howshan dhireynta ah oo muddo laga soo shaqeynayey ayaa maalintii shalay dhidhibada loo aasay, waxaana salka ciida loo geliyey geedo in intooda badan laga keenay dhulalka koonfurta Soomaaliya kuwaasoo isugu jira kuwo hoos looga faa’iideysto iyo kuwo miro dhala.
Iskaashato reer miyi ah oo tuuladaas degan ayaa si olo-olo iskaa wax u qabso ah geedahan ku talaashay, waxayna sidoo kale doonayaan in ay geedahaan xanaaneeyaan, isla markaasna u dhaqdaan sida xoolaha loo dhaqdo.
Mashruucan dhireynta ah ayaa wuxuuu ka mid yahay howlo kala duwan oo uu deegaanno ka tirsan degmada Cadaado ka wado Ururka Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee Finland SSDA, waxaana sidoo kale shaqadan dulucdeeda wada iskaashatada Ximan ee xaruntoodu tahay deegaanka Bowda-dhogore.
Dhinaca kale waxaa si habsami leh u socda barnaamij waxbarasho ah oo deegaankaas laga hirgeliyey ka dib aas aaskii iskaashatada muddo labo sano ka hor ah, waxbarashadan ayaa isugu jirta labo fasal oo kala ah arday yar yar iyo dad waa weyn.
C/qaadir Daqare Maxamed Cali oo ah madaxa mashaariicdan ayaa ka waramay ujeedooyinka laga leeyahay howlahan kala duwan oo ay ka mid yihiin dhireynta, waxbarashada isugu jirta caafimaadka xoolaha, iyo waxbarashada aas aasiga ah, wuxuuna sheegay in yoolku yahay dadku in ay ahaadaan kuwo u jeesta dhinaca hormarka gaar ahaan dad badan in ay gaaraan isku filaansho xagga qoraalka ah iyo tusmeynta ilaalinta deegaanka.
Iskaashatada Ximan ayaa aas aaskeedii hadda la dareemi karaa faa’iidada ka dhalatay waxaana ka mid ah arrimaha sida gaarka ah loo tilmaami karo ee iskaashatadu ka faa’iideysatay:
1. waxbarashada
2. Caafimaadka
3. maamul deegaanku leeyahay oo iskaashatadu saldhig u tahay.
4. ilaalinta deegaanka.
5. ilaalinta nabadgelyada
6. iyo xog helida
Baahida Hadda Taagan Ee Iskaashatada Ama Tuulada
1. kor u qaadista awoodda iskaashatada (Capacity building programs), aqoon is waydaarsiyo dhinacyo badan leh sida: xalinta qilaafaadka, maamul wanaaga, ka hortaga cudurada faafa, is hoggaaminta iyo is aaminida
2. Wado isku xirta Bowdo-dhogore iyo deegaanka Godinlabe.
3. Booyad biyood ama ceel
4. isgaarsiin
5. Suuq looga faa’iideysto ganacsiga kala duwan
6. foornada rootiga
7. Beec geynta xoolaha nool (Marketing live stock)
8.
Dhinaca ilaalinta deegaanka Tuuladan Bowda-dhogore waxay ku guuleysatay in ay hor istaagto jarista geedaha iyo xitaa in la mariyo wadooyinka mara dhuxul la soo jaray, tuuladaas waxaa yaala muddo ku dhaw 2 sano geedo loo soo jaray in dhuxul ahaan loo shido hase yeeshee dadka deegaanku diideen in dhuxul ahaan loo isticmaalo ka dibna dadkii soo jaray isaga tageen.
Deegaanka Bowda-dhogore wuxuu ka tirsan yahay degmada Cadaado, wuxuu magaalada Cadaado ka xigaa dhanka koonfureed, waa tuulo cagta saartay dariiqa magaaleynta, waa 20 jir waxaa ku nool dhawr boqol oo qoys, waxaa ku yaala guryo ku dhaw 50 oo isugu jira Sar, jiingad iyo cooshado.
Mashruucan oo ah kii ugu horeeyey ee laga hirgeliyo deegaamada hoostaga degmada Cadaado ayaa ah kii ugu faa’iidada badnaa ee dad reer miyi ah ay ka faa’iideystaan kaasoo si waxtar leh looga hirgeliyo deegaanada Gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha iskaashatada Ximan C/raxmaam Maxamed Cibaar ayaa ka waramaya hormarka la taaban karo ee ay iskaashatadan ka faa’iideen dadkak xubnaha ka ah iyo guud ahaan deegaanka intaba.
C/raxmaan wuxuu sheegay in maanta la kala yaqaan kalikali socod iyo iskaashi midka fiican ka dib markii dadka deegaanka Bowda-dhogore heleen waxyaalo ay kaga fiican yihiin deegaanada kale ee la jaarka ah, sida waxbarashada oo ah meesha laga eego jiritaanka bani’aadamka.
“Aqoontu waa iftiin, jahliguna waa mugdi, markaad iftiin hesho ayey wax walbaa kuu kala muuqanayaan, haddii laakiin aad jahli dhex muquuraneyso waxaad ku dhex jirtaa mugdi hormarna waa kaa dheer yahay, sidaa daraadeed ayey iskaashatada Ximan muhiimada koowaad u siisay waxbarashada” ayuu yiri C/raxmaan oo intaas ku sii daray “Ilaalin deegaanka waxay noo ileedahay muhiimada labaad, waana midda hadda keentay in dhir intaa la eg la talaalo iyadoo qorshaha ay noogu jirto in aan mustaqbalka soo saarno deegaan ku haboon in lagu noolaado”
Sidoo kale waxaa Bowda-dhogore ku yaala oo biyo laga cabaa 25 Barkadood, waxaana howsheeda dib u nooleeyey sameyntii iskaashatada Ximan, iskaashatadan ayaa ah qaaraan wadaag ay xubno ka yihiin dad ku nool tuuladan iyo miyigaba.


Cilmi Nuure
Cadaado-Somalia
Tel:5251-5515815






