12.2 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo la filayo in ay Baydhabo tagaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 24, 2007(HOL): Warar isa soo taraya oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sii jeedaan Magaalada Baydhabo oo weli Xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socdo gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in uu isna Baydhabo tegi doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Lama oga ujeedada socdaalka mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ay ku tegayaan Magaalada Baydhabo, balse waxaa jira warar sheegaya in halkaas lagu xalin doono khilaaf soo shaac baxay oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Socdaalka Mas’uliyiintan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu ugu baaqay Xildhibaannada Soomaaliya in ay xaliyaan khilaaf soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu sheegay in khilaafkooda uu gaaray in laga falanqeeyo qalabka Warbaahinta, halkii Baarlamaanka la hor-geyn lahaa.

 

Khilaafka la sheegayo in uu u dhaxeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa la dareemay oo uu bannaanka u soo baxay kadib markii la soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Yuusuf Cali Haaruun, kaasi oo uu soo xiray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay la kala safan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu khilaaf soo kala dhexgalo waxayna mar is-khilaafeen intii ay Dowladda Federaalka deganeyd Magaalada Baydhabo, xiligaas oo khilaafkii u dhaxeeyay uu xaliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo Baydhabo u  tegay sidii uu u heshiisiin lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isku dhinac ahaa iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dhinac kale ahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).