12.2 C
London
Wednesday, October 29, 2025

U Hiili Dadka Maskaxda ka jiran

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 24, 2007(HOL): Dadka dhimani waa kuwa bulshada ugu liita, waa kuwa ugu baahan, waa kuwa ugu itaalka yar, Dadkaasi tol iyo tag midna ma leh, Hadday dhaxamoonayaan ma sheegan karaan, hadday gaajoonayaan ma sheegan karaan, qaran iyo qabiil midna uma tirsana, In dadka miyirka qaba oo keli ah la daryeelaa miyaanay cuqubo iyo dulmi weyn ahayn oo laga gelayo kuwa dadka ugu liita (maanka ka jirran), Ma waxaa haboon in aynu dheregno iyagoo kuwii inoogu liitay silcayaan? Mise waxaa fiican in aynu dheregno marka kuwa inoogu liitaa dhergaan?

 

Hadduu maanku dheeliyo bulshoy

Waa dhantaal culuse

Ruuxii dhaqaaqaa malaha

Dhaaddan iyo muuqe

Qurux iyo dhalaal maalintaa

Wey dhanbalanyiine

Dhabarkuu ka jabay ruux xiskii

Dhaawac ka qabaaye

Alle wuu dhammayn karahayaa

Maanka dheeliyaye

Dhaayaha fayow baa xigmado

Looga dhigayaaye

Dheelkiyo qabowgaa ka hela

Debedda Dheegowe

Dhedada iyo juubaha malaha

Dhar ay ka qaataane

Intaan dhagida jiifnay iyagu

Dhaxanta meeraane

Dhuuntay gacmaha kula jiraan

Dhaxan daraaddeede

Suxulladu waxay kaga dhegeen

Dheegga feedhaha’e

Dhudhunkay miciin moodayaan

Dhilay qaboobuuye

Dharaartii cadceedduna dushay

Kaga dhacaysaaye

Dhinbiilahay ku darandooridaa

Dhamac kaliileede

Dhirta kama hadhgelayaan kulkee

Wey dhanqalanyiine

Dhuuniga la quutiyo anfaca

Dheri ma saaraane

Dhure kagama qaataan intay

Dhereg ka doonaane

Gaajay la dheeldheeliyaan

Oo la dhacayaane

Dhulka kama shaqeystaane taas

Wey ka dhimanyiine

Wax dhoofiyo wax soo dega intaba

Kama helaan dheefe

Kuwa nimcada dhaandhaansadaa

Dhaadimaayaane

Dhawaaqaygu meeshuu yahaan

Idin dhegeysiine

Xaajadu dhab weeyee dadyahow

Dhuuxa hadalkayga

Dhibbanaha codlaawaha ah hoy

Dhaada siliciisa

Waa dhiillo culuse haddaan

Dhegaha loo jeedin

Dhagar weeye ina saaranoo

Ma aha dheeldheele

Dhiig iyo ninkii uuslahow

Dhiidhi waa halise

 

 

Maxamed Yuusuf Xaaji C/raxmaan (Keyse)

maale22000@yahoo.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).