12.2 C
London
Wednesday, October 29, 2025

RA’IISAL WASAARE GEEDDI: “Ciidamada Itoobiya Haddii shalay khilaafaadyo jireen oo la dhihi jiray ha baxaano maanta in loo oynayo in ay sii joogaan waad ogtihiin ayaan filayaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa mar kale wuxuu ku celiyay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay la xaajooto Kooxaha Mucaaradka ku ah.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay horay ugu baaqday in ay la hadleyso cid kasta oo daneyneysa in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaallo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay haatan mar kale ku celinayaan in uu weli baaqaas taagan tahay.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi isagoo baaqaas jeediyay ayuu hadana wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay maanta u ooynayaan inay sii joogaan Ciidamada Itoobiya, halka mar sii horeysay dagaal lala geli jiray, isla markaana  la dhihi jiray ha baxaano, wuxuuna taasina sabab uga dhigay in ay Ciidamada Itoobiya muujinayaan xil-kasnimo iyo in ay doonayaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

 

“Ciidamada Itoobiya Haddii shalay khilaafaadyo jireen oo la dhihi jiray ha baxaano maanta in loo oynayo in ay sii joogaan waad ogtihiin ayaan filayaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo mahadcelin u jeediyay Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Uganda ee Muqdisho ku sugan.

 

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu baaq u diray Hay’adaha Samafalka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dad ka barakacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay wax taraan dadkaas, “Dadka Soomaaliyeed haddii ay wax is-taraan ayuu Caalamkana wax tarayaa”ayuuna Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu magacaabayay Dallad la magac baxday Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir, taasi oo uu Guddoomiye ka yahay Jen. Axmed Jilacow Caddow, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay Dalladdaas in ay ka shaqeeyaan Nabadgelyada, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Hay’adaha Bulshada Gobolka Banaadir.

 

Munaasabaddii looga dhawaaqayay Dalladdaas oo ka dhacday Hotel Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dalladan la magac baxday Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir ayaa magacaabisteeda waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay horay Gobolka Banaadir uga jireen Ururro Bulsho oo tiro badan, inkastoo ay Ururradaas ahaayeen kuwo aan mideysneyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).