11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Xiisad ka dhalatay Xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo cirka isku sii shareereysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 23, 2007(HOL): Waxaa Cirka isku sii shareereysa Xiisad ka dhalatay Xarig loo geystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Yuusuf Cali Haaruun, kaasi oo ku xiran Xabsiga Dembi Baarista Muqdisho.

 

Xiisadda ka dhalatay xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxay sare u sii kacday kadib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shalay ka doodeen xariga Guddoomiyaha, isla markaana ay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen go’aanno ay ka mid ahaayeen in xariga Yuusuf Cali Haaruun uu sharci darro yahay, isla markaana laga dalbayo ciddii soo xirtay in ay si shuruud la’aan ah ku sii deyso, iyadoo sidoo sidoo kalena ay shirkii Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Geeddi laga soo saaray go’aan ah in xilkii laga qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre oo isagu lahaa amarka lagu soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

 

Haddaba markii uu soo baxay go’aanka Golaha Wasiirrada ayuu Xeer Ilaaliyaha Guud C/llaahi Barre wuxuu sheegay in Xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu sharci ahaa, isla markaana waxyaabaha lagu soo xiray ay ka mid yihiin in uu lunsaday lacag ku dhow 800,000US$, taasi oo ahayd lacag ay lahaayeen Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka, sidoo kalena uu sameeyay maamul xumo iyo Ku-takri-fal awoodeed.

 

C/llaahi Daahir Barre, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu sheegay in aysan Golaha Wasiirrada xil ka qaadis ku sameyn karin, isla markaana uu yahay mas’uul ka madax bannaan oo aan hoos-tegin Golaha Wasiirrada, wuxuuna go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada uu ku sheegay mid ciidda lagu shubay oo aan wax micno ah sameyneynin.

 

“Cali Maxamed Geeddi xil igama qaadi karo, xitaa Madaxweynaha waan ka madax banaanahay, waxaana xil ka qaadisteyda soo jeedin kara guddiga sare ee Garsoorka, kadibna madaxweynaha ayaa haddii uu sidaas u garto xilka iga qaadi kara”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa weli wuxuu ku xiran yahay Xabsiga CID-da, mana dhaqangelin go’aankii golaha Wasiirrada ee ahaa in la sii daayo Guddoomiyaha. Dhanka kalena waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xarigga Guddoomiyaha uu salka la gelayo mad-madow soo kala dhexgalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo la kala safan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).