12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Dhaqdhaqaaqyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Shacabka Muqdisho oo dhibaato isku qaba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 23, 2007(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay qaati ka joogaan oo caqabad ku ah Ciidamo tiro badan oo Waddooyinka Muqdisho la soo dhoobo mar kasta oo ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guryahooda ka soo baxaan, isla markaana ay meelo ka mid ah magaalada booqadaan amaba ay dalka ka dhoofayaan ama ay ku soo laabanayaan.

 

Mar kasta oo madaxda sare ee Dowladda ay dalka ka dhoofayaan amaba ay ku soo laabanayaan waxaa la xiraa oo gebi ahaanba dhaqdhaqaaqyada laga joojiyaa waddooyinka gala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka markaas oo kale ku qasbanaadaan in ay guryahooda iska joogaan ilaa madaxda dowladda fariisimadooda laga geynayo.

 

“Sax, wey jirtaa nabadgelyo darro, mana xuma in la ilaaliyo madaxda dowladda, balse waxaa cajaa’ib ah in dadka jidadka laga xiro, isla markaana loo diido in ay howl maalmeedkooda qabsadaan”ayuu yiri Axmed Cabdi Xuseen oo ka mid ahaa dad aan saakay kula kulmay Waddo Jid carri ah oo hareer marta Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Folorenza, kaasi oo ay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ay u diideen in uu maro Wadada Laamiga ah ee Wadnaha.

 

Sabab la xiriirta Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo shir ku lahaa xaafad ku taala Degmada Yaaqshiid ayaa loo xiray Wadada Wadnaha, waxaana la arkayay dad badan oo doonayay in ay ka soo adeegtaan Suuqa Siinaay, kuwaasi oo xaafadaha dhexdooda iska jooga kadib markii loo diiday in ay ka tallaabaan Wadada Wadnaha.

 

Sidoo kalena, waxaa Waddooyinka Muqdisho ciidamo lagu soo daadiyaa oo la xiraa mar kasta oo ay imaanayaan Wufuud Caalami ah, taasina waxay sidoo kale caqabad ku tahay Dadka Muqdisho oo badankood ah kuwo cagahooda ku raadsada nolol maalmeedkooda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadada Wadnaha ayaa dib u furantay kadib muddo shan saacadood ku dhow oo ay u xirneyd shirka uu Ra’iisal Wasaare Geeddi ku lahaa Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).