11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho booqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya booqasho ku tegay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdalla.

 

Wafdigan oo ka degay garoonka Diyaaradaha Aadana Cadde ayaa waxaa soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Villa Somalia, halkaasi oo ay kulamo ku wada qaateen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ergaygan oo bedelay Danjire Francois Lonseny Fall oo horay u ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ujeedada ugu weyn ee socdaalkiisa Muqdisho ay tahay sidii uu isu bari lahaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka, isla markaana uu uga hadli lahaa Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Nabadgelyo la’aanta jirta iyo weliba xaaladda ay ku sugan yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Danjire Ahmedou Ould Abdalla iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay wada hadalladooda dhameysteen waxay qabteen shir jaraa’id oo ay ku faah-faahiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo waxa uu rasmi ahaan ku saabsanaa socdaalka Ergaygan cusub.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu ergaygan cusub uu yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna socdaalkiisa Muqdisho uu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn oo ay ka dhacaan qaraxyo lala beegsanayo mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanadkii 2004 lagu soo dhisay Dalka Kenya ayaa waxaa taageera Qaramada Midoobay oo inta badan bixisa dhaqaalaha ay ku dhaqdhaqaaqaan Hay’adaheeda kala duwan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).