12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Ergayga UN-ka u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha oo sheegay in ay Dadka Muqdisho si weyn u cabsadaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Dr. Ghanim Alnajjar ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku sii kordheyso cabsi ay ka qabaan in ay dhibaato ka soo gaarto dagaallada ka jira Soomaaliya.

 

Dr. Ghanim Alnajjar oo booqasho maalin gelinkeed ah ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Nairobi, wuxuuna intaas ku daray in dadka rayidka ah ay ka baqayaan in ay dilaan ama ay xiraan Kooxaha wax iska caabinta, Ciidamada Dowladda Federaalka  iyo kuwa Itoobiya ee ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

 

Ergaygan oo socdaalkii u Muqdisho ku tegay uu la xiriiray sidii uu xog uga soo heli lahaa Xaaladda Xuquuqda Aadanaha  ee ay ku sugan yihiin dadka ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna socdaalkiisa ku soo beegmay iyadoo ay jireen warar horay u soo baxay oo sheegayay in dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho ay geysteen tacaddiyo ka dhan Bani’aadannimada.

 

Dr. Ghanim Alnajjar oo sii hadlayay waxaa uu ku eedeeyay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay Askareeyaan Caruurta, isla markaana ay Dagaallada u adeegsadaan, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid Bani’aadannimada ka baxsan oo markaasina hareersan marsan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Caruurta.

 

Dr. Ghanim Alnajjar oo intii uu joogay Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday  Ururrrada u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa wuxuu ku baaqay in dib hawada loogu soo celiyo Idaacadda Shabeelle oo maalintii Shanaad ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya dul-degan yihiin.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo joogto ah tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii Janaayo ee sanadkan, xiligaas oo ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay Maxkamadihii Islaamka kala wareegtay gacan ku heynta deegaano badan oo ay ka talinayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).