12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Maxaa loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Ciidamada Booliska  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurigiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo waxay ka soo kaxeeyeen Guddoomiyaha Maxkamadaha sare Yuusuf Cali Haaruun, iyadoo kadibna loo taxaabay Xabsiga Dembi baarista ee Magaalada Muqdisho.

 

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaase jira warar sheegaya in Guddoomiyaha loo heysto lacag uu lunsaday oo ay Hay’adda UNDP ugu talagashay in lagu bixiyo mushaarka Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka iyo weliba maamul xumo iyo ku-takri-fal awoodeed.

 

Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu bixiyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka kadib markii uu Arrintaas la tashi kala sameeyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Maxkamadda sare sidoo kale loo heysto in isagoo xilkaas haya uu ogolaaday in loo doorto Jago Ugaasnimo oo Beeshiisa ah, waa sida aanu ka soo xiganay xubno ka tirsan Guddiga sare ee Garsoorka oo la socda kiiska lagu soo oogay Guddoomiyaha.

 

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay oo golayaasha Dowladda Federaalka ka tirsan, kaasi oo inta xoriyaddii laga qaaday xabsi loo taxaabay tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).