12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Nin u dhashay Dalka Yemen oo lagu eedeeyay Qaraxyo ka dhacay Beledweyne oo Xabsi la dhigay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa Xabsiga dhigay Nin dhalin yaro ah oo u dhashay dalka Yaman iyo waliba wiil Soomaali ah oo la socday kuwaasoo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan.

 

Col. Cabdi Axmed oo ah ku-simaha taliyaha saldhiga Booliska Magaalada B/weyn ayaa sheegay in ragi ay soo qabteen iyaga oo Gaari ay la socdeen uga dagaya aga-gaarka Saldhiga Booliska, waxaana uu intaa ku daray in Ninka u dhashay dalka Yaman uu isku dayay markii la soo qabtay kadib in uu Ciidamada ka baxsado, isaga oo dhanka kalana sheegay in uu yahay Nin u  muuqda in uu tabaran yahay.

 

Laakiin Ninka u dhashay dalka Yaman ee lala xiriirinayo qaraxyadii dhawaan dhacay ayaa sheegay in uusan waxba kala socon arimahaa islamarkaana uu ku sii jeeday Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelada Hoose oo sida uu sheegay ay dagan yihiin dad ehel u ah, waxaana uu intaa sii raaciyay in  uu ka yimid dhinaca Gobalka Gal-gaduud gaar ahaan Magaalada Dhuusa-mareeb.

 

Darawalka waday gaariga uu la socday Ninkan u dhashay dalka Yaman ee lagu hayo Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in intii uu safarka soo ahaa uu marar badan ka dagay gaariga  Ninkan la eedeynayo  isaga oo ii sheegay ayuu yiri in uu ka cabsi qabo Baraha ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya.

 

Waa markii ugu horeysay oo qof ajnabi ah oo loo soo xiro qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne, lamana garanayo sida laga yeelayo arinta Raga lagu hayo Saldhiga Booliska, Inkastoo warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanku dalbadeen in lagu soo wareejiyo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).