5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Federaalka oo daraasad ku sameyneysa Sicir-bararka ka jira Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 19, 2007(HOL): Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay daraasad ku sameyn doonto ganacsiga Gobolka Banaadir oo Laf-dhabar u ah ganacsiga Gobollada Dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Prof. C/llaahi Axmed Afrax ayaa sheegay in ay go’aankan qaateen kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ganacsatada Gobolka Banaadir ay ka dambeeyaan Sicir Bararka lagu hayo Dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay Rashinka Bakhaarro ku keydiyaan marka la gaaro xiliga Bad-xiranka.

 

Prof. C/llaahi Axmed Afrax waxaa uu intaas ku daray in ay ganacsatada ugu baaqayaan in ay dadka u naxariistaan, isla markaana ay ka daayaan cunaqabateynta, “Ganacsatada waxaan uga digeynaa in ay raashinka keydiyaan marka ay dadka u baahan yihiin, ciddii lagu helana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Hadalka Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed Gacma-dheere uu sheegay in Sicir-bararka ka jira Magaalada Muqdisho ay sabab u yihiin iyadoo ay ganacsatada qaarkood Raashinka keydiyaan marka la gaaro xiliga Bad-xiranka, halka Ganacsato kalena ay ganacsigooda u wareejiyeen meelo kale, isagoo intaasna ku daray in lacago been abuur ah oo la soo geliyay Suuqyada Muqdisho ay qeyb ka noqdeen Sicir-bararka jira.

 

Ugu dambeyntiina, Hadalka maanta ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqay dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir oo beryahan ay nolosha ku adkaatay kadib markii ay Ganacsatada Muqdisho cirka ku shareereen qiimaha Raashinka quutul-daruuriga ah, weliba xili lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).