Arbaco, September 19, 2007(HOL): Waxaa maanta lagu dhawaaqay Guddi ka shaqeeya Ammaanka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo maalmahan sii xumaanayay.
Guddigan oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ah Maxamed Maxamuud Cilmi, Maxamuud Sh. Cali Muudey, Col. Nuuriye Cali Faarax, Ibraahim Cali Xaaji, Garaad Abuukar Maxamed, Nuur Cusmaan Raage iyo G/lle Maxamed Cali Maalin.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in guddiga uu wax weyn ka qaban doono ammaanka Magaalada Marka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ka xun yahay shaqaaqadii maalin ka hor ka dhacday magaaladaas.
Mas’uuliyiinta sare ee maamulka Shabeelaha Hoose ayaa kulan deg deg ah isugu yimid kadib markii ay gudaha magaalada Marka ka dhaceen shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay xusid mudan tahay in Taliye ku xigeenkii Degmada Marka marxuum Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil lagu dilay deegaanka Ceel Jaalle oo aan u dheereyn Magaalada Marka.
Dhanka kalena, Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Gobolkaas ay ka dambeeyaan Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur, kuwaasi oo sida uu yiri isu baheystay in ay dhibaateeyaan dadka gobolka, isla markaana ay lacag canshuur ah oo tiro badan ka qaataan.
Xildhibaanka oo maanta ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo caddeeyay in gobolkaas uu yahay mid aaney Qabiillo lahayn oo ay Qowmiyado leeyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






