5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo shalay dib looga celiyay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 19, 2007(HOL): Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa halkaas dib looga celiyay.

 

Wafdigaas oo uu hoggaaminayay Dr. Ghanim Alnajjar oo ah Khabiir UN-ka u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa ujeedada socdaalkooda wuxuu la xiriiray sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Soomaaliya.

 

Hay’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay Xafiiskeeda Nairobi waxay ku sheegay in socdaalka Dr. Ghanim Alnajjar uu ku saabsan yahay sidii uu xog uga soo heli lahaa xaaladda Xuquuqda Haweenka, Xaqa Xoriyadda Hadalka iyo Ra’yiga iyo Xaaladaha Maxaabiista.

 

Sarkaalkan UN-ka u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa sidoo kale wuxuu qorsheynayay in uu kulamo la qaato Madaxda Dowladda Federaalka iyo weliba xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Garsoorka DowladdaFederaalka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Ururrada Caalamiga ah ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo Gobollo kala duwan oo Soomaaliya ku yaala.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo wax laga weydiiyay sababta keentay in dib loo celiyo wafdigaas ayaa ku gaabsaday in uusan waxba kala socon socdaalka wafdigaas iyo weliba dib u celinta lagu sameeyay, wuxuun sheegay in haddiiba ay arrintaas dhacday ay ku timid soo wargelin la’aan uu sameeyay Wafdigaas.

 

SI kastaba arrtintu ha ahaatee Dr. Ghanim Alnajjar ayaa wuxuu horay Soomaaliya u booqaday dhowr jeer, wuxuuna inta jeer ee uu Soomaaliya yimid uu u kuurgeliyay Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, wuxuuna socdaalkiisan ugu dambeeyay uu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Human Rights Watch ay soo saartay Warbixin ay ku sheegeyso in Ciidamada Dowladda Federaalka, Kuwa Itoobiya iyo Kooxaha Wax iska caabinta ah ee ka soo horjeeda ay Soomaaliya ka geysteen Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).