5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Afhayeenka Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo beeniyay in ay lunsadeen lacagtii shirka loogu talagalay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 18, 2007(HOL): Afhayeenka Guddigii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Eed Guddigaas loo soo jeediyay oo ku saabsaneyd in Guddiga uu lunsaday lacagtii loogu talagalay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lacag dhan 8 Milyan oo Doollar oo loogu talagalay in lagu socodsiiyo Shirka, isla markaana ergooyinka loo siiyo gunno ahaan ay jeebabka ka buuxsadeen Dadkii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Qanyare waxaa uu sheegay in Ergooyinkii ka qeybgalay shirkaas aan badankood la siinin lacagihii loo ballanqaaday, wuxuuna intaas ku daray in Dukaamo iyo Maqaayado ku yaala Muqdisho oo ay Ergooyinka ka cunteyn jireen waxna ka qaadan jireen ay lacagtoodii ka maqan tahay.

 

Haddaba Afhayeenka Guddigii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Shifti oo ka jawaabayay eedeyntaas loo soo jeediyay ayaa sheegay in uusan waxba ka jirin hadalka Maxamed Qanyare, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hadalkaas uu ahaa mid sida uu yiri uu ujeedo ka lahaa Maxamed Qanyare.

 

C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in aan caddeymo loo heynin eedeynta uu u jeediyay Maxamed Qanyare, wuxuuna  caddeeyay in aan guddigii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu heli doonin wax lunsasho lacageed ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaar badan oo ka mid ah Ergooyinkii ka qeybgelayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in aysan helin lacag loo sheegay in la siin doono, halka kuwo kalena ay sheegeen in la siiyay lacag ka yar tii ay sugayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).