Isniin, September 17, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa waxya sheegayaan in deegaano ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland xalay iyo saaka laga maqlayay madaafiic ay labada ciidan isku ridayaan.
Wararku waxay intaas ku darayaan in meelaha Rasaastaas laga maqlay ay ka mid yihiin Deegaanka Abeesoley iyo Deegaanka Ari-Caddeeye, halkaasi oo labada Ciidan ay muddo sanado ah isku horfadhiyaan.
Lama sheegin wax iska hor-imaad ah toos ah oo labada Ciidan dhexmaray, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in rasaasta ay labada dhinac isku yool-baarayaan ay isu bedesho dagaal fool ka fool ah.
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa muddo sanado ah waxay ku loolamayaan gacan ku heynta deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka ku dhaqan Gobolladaasna ay daneynayaan in ay labada maamul ka madax bannaanaadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda aan Xuduudda lahayn ee ICRC ayaa mar sii horeysay waxay labada maamul u kala gudbisay maxaabiis ciidan oo ay ku kala qabsadeen dagaallo horay u dhexmaray, iyadoo tan iyo xiligaasna aysan dhicin dagaal labada dhinac dhexmaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






