12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 16, 2007(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh Isgoyska Aadan Cadde iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu dhacay 11-kii habeennimo iyo qadar daqiiqado ah, waxaana daryanka madaafiicda la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay.

 

G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in dagaalkaas uu qarxay kadib markii weerar lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo roondo ah sameynayay, wuxuuna sheegay in aaney jirin wax khasaare ah oo uu dagaalkaas geystay, marka la eego dhinacyadii dagaalamay iyo dadkii rayidka ahaa ee ka dhawaa halkii lagu dagaalamay.

 

G/lle C/waaxid waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay xalay degmooyinka Dharkeenley, Xamar-weyne iyo Kaaraan ay qabteen seddex Nin oo Burcad ahaa, kuwaasi oo Bastoolado wax ku dhacayay, wuxuuna caddeeyay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu ahaa mid wanaagsan marka laga reebo weerarka lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Aadan Cadde.

 

Dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bishii Qur’aanka Kariimka la soo dejiyay, bishii ugu fadliga badneyd bilaha oo dhan , Bishii Dembi-Dhaafka, Raxmadda, isla markaana Naarta la iska xoreynayay, taasi oo ay tahay in ay Dadka dhibaatada iska daayaan, Allaahna weydiistaan Dembi-Dhaaf, si ay naxariistiisa u helaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).