12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Boqortooyada Sacuudiga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 16, 2007(HOL): Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta waxay u dhoofeen Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu Sacuudiga ku tegay martiqaad uu u fidiyay Boqorka Dalkaas Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis, kaasi oo si weyn isha ugu haya Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka jira.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay in ay qeyb ka yihiin Qaar ka mid ah Ergooyinkii ka qeybgalay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kuwaasi oo tiradooda gaareyso 300 oo Ergay. Ergooyinkan ayaa waxaa iska soo dhex xulay Ergooyinkii Shirka Dib u heshiisiinta ka qeybgalay, waxaana sababta loo geynayo Sacuudiga lagu sheegay in ay la xiriirto in ay  Xaramka ku soo ballanqaadaan in ay fulin doonaan heshiisyadii ay ku saxiixeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isla markaan ay is-cafiyaan.

 

Dhanka kalena, warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin C/Casiis uu dadaal weyn ugu jiro sidii uu u dhexdhexaadin lahaa dhinacyada isku haya Soomaaliya oo kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo haatan sameystay Isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo lagu magacaabo Isbaheysiga Dib-u- xoreynta iyo Dib-u-soo nooleynta Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).