Sabti, September 15, 2007(HOL):Hay’adda Qarmada Midoobay u qabilsan dhinaca Caruuta ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in curuur badan oo soomaali ah
Warbixintu waxaa ay intaa ku dartay in qiyaasta ilaa hada la hayo ee ah caruuta la il daran Macaluulsha ay gareyso ilaa 83,000 kuwaasoo 14,000 ka mid ahna qarka u saaran yihiin in ay u geeriyoodaan, sidoo kale waxaa ay warbixintu sheegtay in 1.5 Milyan oo Haween iyo Caruur Soomaaliyeed ah u baahan yihiin in lala gaaro Gar gaar deg deg ah.
Gobollada sida gaarka ah carrabka loogu dhuftay oo ay ka mid yihiin Labada Shabeele iyo iyo Banaadir ayaa lagu xusay warbixintu in wali ay ka jiraan dhibaatooyinkii markii horeba sababay Macaluusha soo foodsaartay Caruurta ku dhaqan, sida Dagaalada, Abaaraha, iyo waliba Fatahaadaha ka dhashay Wabiga oo ah kuwa ugu badan ee keena Macaluusha iyo Nafaqadarada saameysay in badan oo ka mid ah caruuta Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa ka mid ah meelaha warbixinta lagu soo hadal qaaday Gobalada Bartamaha Soomaaliya oo iyagu la sheegay in ku jiraan Liiska meelaha ugu daran ee Caruurtu ku dhibaateysan yihiin, waxaana uu wakiil hay’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya Christian Balslev-Olesen uu sheegay in ay Adag tahay gar gaar lala gaaro Caruurtaasi sababo dhinaca Nabad-galyada ah awgeed.
Qiyaasta tirada ay soo saarta Hay’adda ayaa la oran karaa waa mid hooseysa marka la eego caruurta la il daran Macaluusha gudaha dalka Soomaaliya oo idil, waliba Sanadihii ugu danbeeyay oo Caruur aan tiro yareyn ay soo riteen cuduro iyo Nafaqo daro laga dhaxlay xasaradaha ka oogan Gobalo badan oo Soomaaliya ah ayuu sheegay Mas’uul ka tirsan hay’adda UNICEF oo ku sugan Magaalada Beledweyne.
Marka la eego Gobalka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay gobalada ay sameyta buuxda ku yeelaneyso warbixinta ay soo saartay Hay’ada UNICEF, iyada oo in badan oo ka mid ah caruurta ku dhaqan aad ugu liitaan Nafaqadaro taasoo laga dareemayo Goobaha MCH ee lagu nafaqeeyo caruurta oo siweyn ugu soo badanaya kuwaasoo Islamarkaana la gaarsiiyay ilaa heer Tuulo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






