Khamiis,
Dagaalkii xalay lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu dhacay abaarihii 10:30kii Habeennimo, iyadoo halkaasina laga maqlayay rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo labada dhinac isku ridayeen.
Kooxaha weerarka ku soo qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay ku hubeysnaayeen Baasuukayaal iyo qoryaha fudud, sida ay sheegeen dad degan agagaaraha halka uu dagaalka ka dhacay, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay iska tageen kadib markii ay rasaaseeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka.
Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamay iyo weliba dadka rayidka ah ee degan halka dirirtu ka dhacday ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in uu dagaalkaas si weyn argagax ugu riday dadka degan xaafadaha u dhow Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka uu Dagaalka ka dhacay.
Sidoo kalena waxaa habeenkii xalay ahaa uu iska hor-imaad ka dhacay Agagaarka Isgoyska Xarar-yaale, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Sooamaliya, wuxuuna weerarkaasi oo ay soo qaadeen Kooxo hubeysan uu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo aan waqti badan sii socon.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeennadii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay Iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo weerarradaas habeenkii dhacana ay dad badan oo rayid ah ku kalifeen in ay guryahoodii ka barakacaan, isla markaana ay deegaan ka sameystaan meelo Muqdisho duleedkeeda ah oo joogitaankooda ay dhibaato ku qabaan sabab la xiriirta in aysan deegaanadaasi lahayn adeegyada aas-aasiga ah ee ay dadka u baahan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






