11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhaawacmay Gaari la rogmaday iyo Xildhibaan Bastoolad uu lahaa isku dhaawacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 12, 2007(HOL): 8 Askari oo ka mid ah ilaadaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaawacyo culus iyo mid fudud waxay ka soo gaareen Gaari ay la socdeen oo la rogmaday.

 

Askartaas ayaa dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Baydhabo, wuxuuna dhaawacooda isugu jiraa kuwo culus iyo mid fudud, waxaana Isbitaalka ku booqday Askartaas Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo sidoo kale soo eegay Xaaladda Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka uu Bastoolad uu lahaa isaga dhaawacay Gacanta Midig.

 

Xildhibaanka Bastooladdiisa isku dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Mahad Cabdi Cawad, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn in Bastooladda uu isugu dhuftay aqoon darro dhinaca hubka ah iyo in uu si kas ah isu dhaawacay. Wasiirradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali oo ay la socdaan Dhaqaatiir ka socda Hay’adda Inter-Sos ayaa booqday Isbitaalka Baydhabo, iyagoo sidoo kalena eegay xaaladda Xildhibaanka oo la sheegay in ay ka soo reyneyso.

 

Dhanka kalena, Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay magaalada Baydhabo ku leeyihiin shir ay su’aalo ku weydiinayaan qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Wasiirradii maanta su’aalaha la weydiiyay ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Tira-koobka Dr. Cali C/llaahi Cosoble.

 

Laakin intii ay socotay Su’aalo weydiinta Wasiirka ayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka u kala baxeen kuwo weeraraya Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo kuwo difaacayay.

 

 Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor ayaa sheegay in mudadii ay jirtay Xukuumadda Prof. Geeddi ay ku sifowday waxqabad la’aan dhinaca Arrimaha Bulshada ah, halka uu Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo Xukuumadda difaacayayna uu sheegay in  Xildhibaan Jinni Boqor aan looga baahneyn in uu waqti isaga lumiyo ka hadalka Xukuumadda Federaalka, isla markaana ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ay dhameysanayaan labada sano ee u hartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanka in uu ka hadlo faragelin uu sheegay in uu Baarlamaanka Soomaaliya ku hayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).