Axad, 
Darawaliintan ayaa sheegay in ay Deegaano ka mid ah Magaalada Muqdisho ay tegi waayeen kadib markii uu dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay Gaadiidka BL-ka Sumad Lambar oo gaar ah, taasi oo Gaadiidkii aan lahayn uusan ka shaqeyn karin magaalada Muqdisho.
Maxamed Axmed Laari oo ka mid ah Darawaliinta Gaadiidka BL-ka ah ee  isaga kala goosha Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska Sanca ee Wadada Wadnaha ayaa wuxuu sheegay in ay soo gaareen Digniino ku saabsan in ay Gaadiidkooda ka tirtiraan Sumadda loo sameeyay haddii kalena aysan u soo shaqo tegin deegaano Muqdisho ku yaala.
Gaadiidleyda ayaa waxay horay uga cabanayeen amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo sheegtay in aan la ogolaan doonin in la kaxeeyo Gaadiid aan lahayn Buugga Lahaanshaha iyo weliba Warqadda Caddeynta Darawalnimada, amarkaas oo ay Gaadiidleyda ku sheegeen mid aan waqtigan shaqeyn karin, waxayna sheegeen in marka hore loo baahan yahay in la sameeyo Waddooyinka Muqdisho, isla markaana la keeno Ciidamadii Ilaadada Waddooyinka ee Taraafikada.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo Dhismo iyo Waddooyinba ku burburtay Dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa markii ugu horeysay Dowlad loo soo dhisay Soomaaliya waxay ka sameysay Waax Socdaal oo laga qaadanayo Baasaboor cusub oo Soomaali ah, halka haatanna ay qorsheyneyso in ay soo sameyso lacag sharci ah oo bedesha lacago been abuur ah oo ay soo daabacdeen Ganacsato Soomaaliyeed.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






