13.3 C
London
Friday, October 31, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala tegay Shir uu Baydhabo ku yeeshay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 08, 2007(HOL): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku kala tageen shir ay  Xaruntooda KMG ah ee Baydhabo ku yeesheen kadib markii ay isku qabteen waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta.

 

Sababta ugu wacneyd in shirkii maanta lagu kala tago ayaa waxay ahayd iyadoo la isku waafaqi waayay Ajendayaasha Shirka, iyadoo Mudanayaasha Qaarkood ay ku adkeysteen in laga doodo Sharci ku saabsan Batroolka oo maanta Baarlamaanka la hor-geeyay, halka kuwo kalena ay dalbadeen in la sii amba qaado ka doodista mooshinno horay u horyaalay Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin La-Xisaabtanka Xukuumadda, Dardargelinta Howlaha Baarlamaanka iyo weliba Miisaaniydda Qaranka.

 

Markii ay isku buuqeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayuu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo shir guddoominayay Shirkii Maanta uu ku dhawaaqay in shirka uu xiran yahay ilaa kulan dambe.

 

Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo kulankaas kadib u waramay Idaacadda  BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in shirka la soo xiray kadib markii la eegay Xeer Hoosaadka Baarlamaanka, kaasi oo dhigaya in haddii shirka Hab-sami u socodkiisa uu xumaado Shirka la soo xirayo.

 

Xildhibaan Xasharo waxaa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu muddooyinkan waday la xisaabtan uu la yeelanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ujeedka ay arrintaas ka leeyihiin ay tahay in la ilaaliyo Qawaaniinta Dalka, “Xil weyn baa naga saaran Ummadda Soomaaliyeed in aan ogaanno in Cadaalad iyo Sinnaan lagu wado, waxaa kale oo jira dhibaatooyin kale oo aan dooneyno in aan Hay’adaha qaabilsan kala xisaabtanno, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sicir bararka iyo lacagta la soo sameeyay oo dhibaato weyn Soomaaliya ku heysa”ayuu yiri Xildhibaan Xasharo.

 

Baarlamaanka Soomaaliya oo seddex sano jirsaday iyadoo uusan ku shaqeynin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu todobaadkii hore isku raacay mooshin ku saabsanaa Mushaarooyin iyo Gunnooyin ay qaadanayaan Mudanayaasha Baarlamaanka, taasi oo gaareysa 4,600$ bishii Xildhibaankiiba. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay is-weydiinayaan cidda ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka helayaan lacagta intaas la eg oo ay wada sugayaan 275-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).