13.3 C
London
Friday, October 31, 2025

Dhalinyaro ku dhaqan Dalka Mareykanka oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyay Canug 3 Sano jir ah oo gacmo la’aan ku dhashay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 08, 2007(HOL): Dhalinyaro ku nool dalka Mareykanka ayaa deeq la cageed oo dhan (300$ Doolar)  soo gaarsiiyay Cismaan Xalane oo ah   Canug 3-sano jir ah oo dhashay isaga oo aan wax gacmo ah laheyn, kadib markii sida ay sheegeen dhalinyarada soo dirtay Deeqda lacageed ay warka ku saabsan xaalada Cismaan Xalane ay ka aqristen HOL.

 

C/risaaq Yuusuf Barey oo ah madax Ururka Daryeelka Caruurta  HAPI-CHILD ee Gobalka Hiiraan oo deeqda lacageed loo soo marsiiyay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay dadaalka ay geysteen dhalinyarada ku dhaqan dalka Mareykanka ee ka damqaday xaalada uu ku jiro Cismaan Xalane isaga markii danbe gudoonsiiyay deeqda la soo gaarsiiyay Xabiibo oo ah Cismaan hooyadiis.

 

C/risaaq waxaa uu intaa ku daray in xaalada Cismaan aysan aheyn mid ku filan deeq lacageed oo kaliya, laakiin loo baahan yahay sidii gacan wax ku ool ah looga geysan lahaa dhismaha mustaqbalkiisa danbe, Maadaama sida uu sheegay Baarey marka laga soo tago in uu yahay qof cuuryaan ah hadana maskaxdiisu tahay mid caafimaad qabta

 

Cismaan Xalane oo ku dhaqan Magaalada Beleweyn ayaan awood buuxda u laheyn in uu kaligii socdo sidoo kale waxaa adag in uu cunada sid caadi ah u qaato mar hadii uu waayay qeyb-ka mid ah xubnihii ugu qaalisanaa jirkiisa oo ah gacmaha.

 

Sida ay sheegtay Hooyadiis Xabiibo waxaa nolasha wiilkeed markii hore qeyb-weyn ka geysan jiray Aabihii oo markii danbe geeriyooday, iyada oo intaa ku dartay in hada xaalada wiilka yar kaligeed ku tahay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).