13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Khasaaraha uu geystay Dagaal Maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo isa soo taraya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 05, 2007HOL): Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu geystay dagaal saakay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

6 Ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 26 Ruux oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo isugu jiray Dad Rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Kooxihii la dagaalamayay ayaa waxaa haleelay Rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen, taasi oo mararka qaarkood waxyeello u geysaneysay dad aan waxba galabsan oo guryahooda iska joogay.

 

Dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa wuxuu gebi ahaanba hakad geliyay ganacsigii Suuqa Bakaaraha, inkastoo la arkayay Dad Aroor hore ah oo saakay ah Suuqa galay, hayeeshee ay u suurtageli weysay in ay goobahooda ganacsi furtaan.

 

Haddaba Dagaalkan ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii Ganacsi ee Suuqaas ka jiri jiray, sidaas darteed ayayna Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ku baaqeen in la joojiyo dagaalkaas.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in haddii ay dagaallada ku soo noq noqdaan Suuqa Bakaaraha ay taasi keeni doonto in Suuqa uu noqdo mid lagu kala guuray, “Alle ka baqa oo dagaalka ka daaya Suuqa dhexdiisa, waayo Suuqa Bakaaraha waa meel Dadka u dhaxeysa oo ay taallo Hantida Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Cali Dheere.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).