13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Wariyayaasha aan Xuduuda lahayn oo baaq u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 05, 2007HOL): Wariyayaasha aan xuduuda lahayn (Reporters without Borders) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay difaacdo Wariyayaasha ku sugan gudaha dalka Soomaaliya oo qaarkood ay soo gaareen hanjabaado uga yimid dad sheegtay in ay dilayaan.

 

Ururka Wariyayaasha aan Xuduuda lahayn ee RSF ayaa wuxuu sheegay in Isniintii aynu ka soo gudubnay ay farriimo hanjabaado ah soo gaareen Cali Macallin Isaaq, kaasi oo ay dadka soo wacay u sheegeen in ay dilayaan haddii uu joojin waayo waxa uu sameynayo.

 

“Magaalada Muqdisho ee ay qalalaasaha ka jiraan ayaa waxay Saxafiyiintu noqdeen kuwo si sahlan loo bartilmaameedsado, waxayna NUSOJ sii waday in ay ka shaqeyso difaacidda Saxaafadda, iyadoo weliba ay jireen mowjado dilal ah oo loo geysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed”sidasi waxaa lagu yiri hadal Saxaafadeed uu soo saaray Ururka Suxufiyiint aan Xuduuda lahayn.

 

Todobo Saxafi ayaa tan iyo bilowgii sanadkan waxaa lagu dilay Dalka Soomaaliya, iyadoo dilkii u dambeeyayna loo geystay Wariye C/qaadir Mahad Macallin Kaskey oo Gobolka Gedo uga soo warami jiray Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kalena Ururka SRF wuxuu baaq u diray Dowladda Kenya, taasi oo uu ka codsaday in ay xadka u furto oo ay u ogolaado ay Dalkeeda galaan 10 Suxufi oo ka cararay Dhibaatooyinka ka dhacaya Soomaaliya, kuwaasi oo maalmo ku xayiran xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in sababta ay Wariyayaasha ugu xayirmeen Xadka Kenya ay tahay iyadoo Dowladda Kenya ay Fiisaheeda ka xadiday Dadka Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suxufiyiin badan oo Soomaaliyeed ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii magaalada Muqdisho lagu dilay Mas’uuliyiintii Warbaahineed ee  Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice waxay isaga carareen Magaalada Muqdisho, iyadoo qaarkood ay gaareen Deegaanada Somaliland, Kenya, iyo Jabuuti, halka kuwo kale oo heystay Dukumiintiyo Socdaalna ay fursad u heleen in ay tagaan Dalal ka tirsan Qaaradda Yurub.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).