13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho oo Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay Bandowga qaado Bisha Ramadaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 05, 2007HOL): Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan ay ka qaaddo Bandowga inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay dadku cibaadeystaan, isla makaana ay aadi lahaayeen Taraawiix, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay Bisha Ramadaan Bandowga qaado.

 

“Dowlad waxay dowlad ku tahay in ay shacabkeeda heysato ee Dowlad aan shacab heysan Dowlad ma noqon karto, marka waxaan leeyahay Dowladda Federaalka Shacabkeeda ha kasbato, hana ka deyso waxyaabaha dhibaya”ayuu yiri Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow).

 

Sidoo kalena wuxuu Cadde Gaabow baaq u jeediyay Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu iyagana ugu baaqay in ay dadka ka daayaan dhiig-miiradka, isla markaana ay maciishadda u raqiisiyaan, “Ganacsatada waxaan leeyahay waxaa dhaqaale siin jirteen Hoggaamiye Kooxeedyadii iyo Maxkamadihii, hadda waxaa la idinka rabaa in aad u gurmataan dadka ka barakacay dhibaatooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ku dhibaateysan banaanka magaalada Muqdisho”ayuu yiri Cadde Gaabow oo ganacsatada ugu baaqay in looga fadhiyo in ay meel saaraan Raashinkii ay Dadkaas uga soo bixi lahaayeen Bisha Ramadaan.

 

Dhanka kalena, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu ku dhawaaqo Xisbi Siyaasadeed, kaasi oo ka qeybqaadan doona doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya sanadki 2009-ka, kadib marka u dhamaado waqti Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Cadde Gaabow ayaa xilkii uu ka hayay Gobolka Banaadir waxaa laga wareejiyay kadib markii ay Dowladda Federaalka xoog ku timid magaalada Muqdisho, waxaana xilkaas loo dhiibay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo haatan ay soo gaartay farriin ah in uu Baarlamaanka Soomaaliya hortago, si su’aalo looga weydiiyo waxyaabihii uu qabtay Maamulkiisa mudadii uu jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).