13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

PROF. IBRAAHIM XASAN CADDOW: Maxkamadihii Islaamka lama jebin, waxayna heystaan taageero ka badan tii ay horay u heysteen”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 04, 2007(HOL): Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadihii Islaamka u qaabilsanaa Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Maxkamadihii Islaamka aan la jebin, isla markaana ay heystaan taageero ka badan tii ay horay u heysteen.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo markii uu ka tegay Soomaaliy kadib deegaan ka sameystay Dalka Yemen ayaa wuxuu intaas ku daray in sababtii ay uga baxeen deegaanadii ay ka talinayeen dabayaaqadii sanadkii 2006 ay ahayd in dadka Soomaaliyeed laga badbaadiyo in dushooda lagu dagaalamo, sidaasna ay dad badan ku baaba’aan.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamdihii Islaamka waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay arkeen farqiga u dhaxeeya qalalaasaha iyo nabadgelyo la’aanta ay keeneen Ciidamada Itoobiya ee taageeraya Dowladda Federaalka iyo deganaantii ay keeneen Maxkamadihii Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

“Markii Maxkamadaha Islaamka ay xukunka la wareegeen wax kasta waa is-bedeleen, waxaa la mideeyay Qabaa’illadii, Dekedda iyo Garoonka ayaa la furay, Hubka ayaa la uruuriyay, xitaa waxaan joojinay Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaalan jiray Xeebaha Soomaaliya”ayuu yiri Prof. Caddow oo u waramay Wakaaladda Wararka Reuters.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa uu sheegay in uu weli jiro hoggaankii Maxkamadaha Islaamka, “Hoggaankii Maxkamadaha weli waa jiraa, qaarkood waxay joogaan Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah, qaar kalena waxay aadeen dalka dibaddiisa”ayuu mar kale yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadihii Islamaaka waxaa uu sheegay in kacdoonnada looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qabanqaabiyeen Dadka Soomaaliyeed, isagoo meesha ka saaray ay kacdoonnadaas qaban qaabiyeen Maxkamadihii Islaamka.

 

Dhibaatooyinka ka dhaca Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ay ka dambeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga Magaalada Muqdisho, “Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dilay Dad badan oo Soomaaliyeed iyagoo si aan kala sooc lahayn ugu garaacay Bambooyin iyo Taangiyo, qalalaasaha ay keeneen  ayaana keenay dhibaatada jirta”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

 

Ugu dambeyntiina, Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay ayuu  sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixin, isagoo taasina sabab uga dhigay in aan shirkaas la isugu keenin dadkii isku hayay Siyaasadda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).