Talaado,
Dhawaan ayay ahayd markii Mudanayaasha Baarlamaanka ay la xisaabtameen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo Wasiir kasta oo ka tirsan uu Baarlamaanka hortiisa ka jeediyay warbixin ku saabsan waxyaabihii ay Wasaaraddiisa qabatay.
Kadib wuxuu Baarlamaanka u yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo la filayo in uu Baarlamaanka hortago saacadaha soo socda, sidoo kalena wuxuu u yeeray Baarlamaanka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale loo yeeray Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, kuwaasi oo iyana wax laga weydiin doono muranno dhinaca maaliyadda ka dhashay iyo lacag been abuur ah oo ay ganacsato Soomaaliyeed soo dabaacatay, taasi oo keentay sicir barar aad u daran oo noloshii ku adkeeyay Shacabka Soomaaliyeed.
Laakin iyadoo uu Baarlmaanka Soomaaliya sheegayo in uu la xisaabtamayo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa dhanka kale jira dhaliilo loo jeedinayo Mudanayaasha Baarlamaanka, taasi oo ku saabsan in aaney Mudanayaasha si toos ah ula xisaabtamin Hay’adaha Dowladda basle ay dardartan la soo baxaan marka ay waayaan ama laga soo daahiyo lacagta Gunnada ah ee la siiyo, taasi oo bishii gaareysa 1,800 oo Doollar.
Ugu dambeyntiina Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo Seddex Sanadood ah oo uu jiro wuxuu ku dhameystay Magaalooyin aan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ahayn, wuxuuna mar ku sugnaa Nairobi, mar kalena wuxuu kala joogay Jowhar iyo Muqdisho, halka uu haatanna ku shaqeynayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






