14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Shiikh Aadan Madoobe oo Mudanayaasha Baarlamaanka uga warbixiyay socdaalkii uu Muqdisho ku tegay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 03, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa maanta Mudanayaasha Baarlamaanka wuxuu uga warbixiyay socdaalkii uu maalmaha ku joogay Magaalada Muqdisho.

 

Shiikh Aadan Madoobe oo ka qeybgalay kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in intii uu joogay Magaalada Muqdisho uu kulan la qaatay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba mas’uuliyiinta dhinaca nabadgelyada, sidoo kalena wuxuu sheegay in uu ka qeybgalay Gunaanadkii Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ka hadlay xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Muqdisho amnigeeda uu guud ahaan yahay mid degan, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in ay dhacaan iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xanuun aan darneyn oo hayay aawgiis ka cudur-daartay in la furo dood ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka yeelan lahaayeen Miisaaniyadda Baarlamaanka, taasi oo ka doodisteeda loo dhigay fadhiyada soo socda ee Baarlamaanka.

 

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo isna Mudanayaasha la hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu ka ogolaaday in uu Baarlamaanka hor-yimado, si su’aalo looga weydiiyo wixii uu qabtay maamulkiisa.

 

Ugu dambeyntiina Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo Seddex Sanadood ah oo uu jiro wuxuu ku dhameystay Magaalooyin aan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ahayn, wuxuuna mar ku sugnaa Nairobi, mar kalena wuxuu kala joogay Jowhar iyo Muqdisho, halka uu haatanna ku shaqeynayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).