Isniin,
Agaasimaha Deegaameynta iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Maxamed Macaawiye Xuseen ayaa sheegay in kadib markii la qiimeeyay xaaladda ay ku sugan yihiin Dadka degan Xarumihii Ciidamada ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha go’aansatay in ay Wasaaradda Gaashaandhigga ka codsato in ay waqti ugu kordhiso waqtiga yar ee ay u qabatay Dadkaas.
Agaasimaha waxaa uu caddeeyay in ay dareemayaan culeyska heysta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo baahida ay u qabto Xarumihii ay Ciidamadu lahaayeen, wuxuuse sheegay in ay qudhooda qiimeyn u baahan yihiin dadka degan Xarumihii Ciidamada ee Dowladda.
Dr. Maxamed Macaawiye Xuseen waxaa uu sheegay in inta ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dadkaas uga heleyso meel ay degaan ay Wasaaradda Gaashaandhigga waqti siiso dadkaas oo isugu jira kuwo ka soo barakacay Colaado iyo Abaaro ka dhacay Deegaanadii ay deganaayeen.
Ku xigeenka Abaanduulaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahdi C/salaan ayaa dhawaan wuxuu soo saaray amar lagu farayay Dadka degan Xarumihii Ciidamada in ay muddo toban maalmood gudahood ah ay uga guuraan, isagoo sheegay in xarumahaas ay u baahan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xarumaha ay dadka soo barakacay degan yihiin ee lagu baaqay in laga guuro ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Afisyooni ee Ciidanka Cirka, Kuliyadda Abaanduulka Axmed Gurey, Kuliyadda Jaalle Siyaad, Xerada Damaanyo, Xarunta Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, Isbitaalka Xoogga, Xerada Horseed, Xeradii Ruushka, Xaruntii Guul-Wadayaasha, Xarunta Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo dhamaantood noqday deegaanno ay Dad Rayid ah degan yihiin.
Ku xigeenka Abaanduulaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahdi C/salaan waxaa uu sheegay in Xarumahaas ay u baahan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo haatan fariimo ku leh meelo aan ahayn xarumahoodi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






