Isniin,
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in ka jawaabo su’aal kasta oo ay weydiiyaan mudanayaasha Baarlamaanka, wuxuuse carrabka ku dhuftay in Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay uu wax badan qabtay, haatanna ay hor-yaalaan howlo kale oo baaxad leh.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu u yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwsiish, iyadoo sababta loogu yeerayna uu ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa in ay la xiriirto sidii loogula xisaabtami lahaa waxyaabihii ay qabteen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu la xisaabtamay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo wasiir kasta oo ka tirsan uu Baarlamaanka hor-tegay, kadibna uu ka warbixiyay wixii uu soo qabtay, inkastoo ay jiraan Xildhibaano qaba in Xukuumadda Federaalka ay u baahan tahay in ay Baarlamaanka weydiisato kalsooni ay ku shaqeyso.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu ka jawaabay hadal uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), kaasi oo ahaa in uu Maxamed Dheere joojiyay biyo dhaamin loo sameynayay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku nool deegaannada Galgalato, Shiikh Cali Cabdulle iyo Gubadley.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uu amarkaas bixiyay balse uusan diidin in dadka masaakiinta ah biyo loo dhaamiyo, “Waxaan ku iri meelaha aad biyo dhaaminta ka waddaan waxaa ku sugan Dad Muqaawamo ah oo dembiyo galay, marka inta laga kala saarayo dadka masaakiinta ah iyo dadkaas dembiyada galay joojiya biyo dhaaminta”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ay qorsheynayaan in ay haatan halkaas ciidamo geeyaan, kuwaasi oo la socon doona dhaqdhaqaaqyada dadka u bakaracay duleedyada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa dhawaan wuxuu meel fagaare ah ka sheegay in Hay’adaha Samafalka ay Dad Argagixiso ah ku quudiyaan inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye, iyadoo hadalkaasina ay jawaab ka bixiyeen mas’uuliyiin xitaa ku jira Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame, kaasi oo sheegay in ay nasiib darro tahay in Maxamed Dheere uu Argagixiso ku tilmaamo dad ka barakacay dhibaatada Muqdisho ka jirta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






