14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Iska hor-imaad hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 02, 2007(HOL): Iska hor-imaadyo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhaceen xaarfado ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Iska hor-imaadkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa wuxuu ka dhacay agagaaraha Warshaddii Caanaha iyo Warshaddii Tolmada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo labadii dhinac ee dagaalamayna ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dadka degan Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo baraarugeen daryanka madaafiic waa weyn iyo rasaas yar yar oo ay labada dhinac isu adeegsadeen, kuwaasi oo qaarkood ay ku dul qarxayeen xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa wuxuu sheegay in ay kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku lahaa Xarunta Warshaddii Tolmada iyo Warshaddii Caanaha, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka soo gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhaca qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan iyo weliba dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan la ogeyn wax ay galabsadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).