Axad, September 02, 2007(HOL): Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan Hal Milyan iyo Bar Doollar, taasi oo gacan ka geysaneysa dib u dhiska Dalka Soomaaliya iyo weliba Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Deeqdan Lacageed ayaa sida ku cad heshiis ay wada gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuuusuf Axmed iyo Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay xafladdii ay Dowladda Shiinaha kaga dhawaaqday in ay Deeqdaas siineyso Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu u baahan yahay Kaalmo Caalami ah oo deg deg ah, si loo bilaabo dib u dhiskiisa muddo 10 sano ka badan oo uu dagaallo sokeeye ku soo jiray, isagoo Dowladda Shiinahana uga mahadceliyay kaalmada ay siineyso Soomaaliya.
Sidoo kalena Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan waxay ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee howlgallada u jooga Magaalada Muqdisho lacag dhan 300,000 oo Doollar, taasi oo ay ku wareejisay Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omer Konnare.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Soomaaliya ayaa muddo sanado ah wuxuu ahaa meel ay fowdo ka jirto tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana ay bilowdeen dagaallo sokeeye, inkastoo haatan ay jirto Dowlad Federaal ah oo ay difaacayaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






