Axad, September 02, 2007(HOL): Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” inuu sida ugu dhaqsaha badan u hor yimaado Xarunta KMG ee Golaha Barlamaanka Federalka ee magaalladda Baydhabo.
Tallaabadda ay Xildhibaannadda ugu yeereen Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ayaa ah arrin ugub ku ah hab-hawleedka Barlamaanka, oo iyagu muddooyinkii ugu dambeeyey su’aallo weydiinayey Wasiirro ka tirsan DFKMGS, kadib, markii ay ku hungoobeen Mooshin ay ku doonayeen inay Dowladda Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi ku xidido-siibaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Barlamaanka Federaalka, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, ayaa u xaqiijiyey Idaaacadda Somaliweyn inay Xildhibaanadda Barlamaanka u yeereen Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdishu, Maxamed Dheere, si ay wax uga weydiiyaan hawlihii uu qabtay Maamulkiisa afar bilood jirka ah.
“Waa arrin muhiim ah in Governatoraha Gobalka Banaadir uu soo gole-joogsado Xildhibaannadda, maadaama uu xubin muhiim ah yahay, isla markaana uu Madax ka yahay Caasimadda dalka
Sidoo kale, Wasiirka Caddaalladda ee Dowladda Federalka, Avvocate Xasan Dhimbil Warsame, ayaa waxa uu bartimihi bishii hore ka codsaday Xildhibaannadda Barlamaanka Federalka inay Maxamed Dheere soo gole-joojiyaan, kadib, markii uu ku eedeeyey inuu dadkii ka barakacay magaalladda Muqdishu uu ku tilmaamay inay yihiin Argagixisadda qaraxyadda ka geysta magaalladda Muqdishu.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in sababaha ugu waa weyn ee ay Xildhibaanadda Barlamaanka ugu yeereen Guddoomiyaha Gobalka Banaadir inay ka dhalatay qaar ka mid ah Xildhibaanadda oo aan la dhacsanayn xilka Maxamed Dheere iyo kuwa kale oo dawaqtan beeleed iyo mid siyaasadeed uu ka tan badinayo.
Sharci-yaqaanadda ayaa rumeysan in Tallaabadda ay Xildhibaanadda Barlamaanka ugu yeereen Guddoomiyaha Gobalka Banaadir inay tahay tallaabo Khaarij-qaanuun ah Awoodda muuqata ee Barlamaanka, oo iyagu looga baahnaa inay Wasiirka Arrimaha Gudaha ka wareystaan arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Bulshadda ee ka jira Goballadda dalka Somalia, maadaama Wasiirku yahay mas’uulka mudan inay Xildhibaanadda kala munaaqashoodaaan arrin kasta oo Hay’addiisa khuseeya.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Dheere, ayaan la ogeyn xilliga uu tegi doono Madasha Xildhibaanadda Barlamaanka ee magaalladda Baydhabo, iyadoo ay qaar ka mid ah Maamulkiisa sheegeen inuu Guddoomiyuhu qabanqaabo ugu jiro safar uu ugu ambabixi doono dalka






