14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Labo Qarax iyo Dil Nin rayid ah loo geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 01, 2007HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo weli ku jirta xaalad amni darro ah ayaa waxaa maanta ka dhacay labo qarax oo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo dil loo geystay Nin rayid ah.

 

Qaraxa koowaad oo lala beegsaday gaari Mini Bus ah oo ay soo kireysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Afisyooni, iyadoo halkaasina uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamadii Gaarigaas saarnaa.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen Ciidamada Booliska loo dhigay Miino nooca la hago ah, wuxuuna caddeeyay in uu halkaas ku dhaawacmay hal askari, halka uu sheegay in uu burburay gaarigii ay Ciidamada saarnaayeen.

 

Qarax kale oo Bambo Gacmeed ka dhashay ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxaasina la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamo Boolis ah oo Gaari ku marayay Isgoyskaas. Lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxaas, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay Rasaas ay fureen Ciidamadii Qaraxa lala beegsaday.

 

Dhanka kalena, Nin rayid ah oo watay Gaari TOYOTA Land-Crouser ah ayaa maanta lagu toogtay agagaarka Xarunta Shirkadda Xawaaladda Qaran Express ee wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dilka ninkaasna uu geystay wiil dhalinyaro ah oo Bastoolad ku hubeysnaa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhaca qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan iyo weliba dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan la ogeyn wax ay galabsadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).