14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Maxaa looga hadlayaa shirka ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ku qabanayaan Magaalada Asmara?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 01, 2007HOL): Shirweynaha Xoreynta iyo Dib u soo Nooleynta Soomaaliya ayaa ka dhacaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea taariikhdu markay tahay 6-da September 2007, xiligaas oo ku beegan Khamiista soo soocta. 

 

Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Xubnaha la baxay Baarlamaanka xorta ah, isla markaana ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka Asmara ayaa sheegay in shirka ay qabanayaan uu yahay kii ugu horeeyey oo noociisa ah ee la qabto  tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiya  oo taageero ka helaya Mareykanka ay qabsadeen Dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu sheegay in shirka ay qabanayaan uu yahay mid  ka duwan yahay shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaalida 17 kii sano ee la soo dhaafay, isagoo carrabka ku dhuftay in shirkan looga tashanayo aayaha Soomaaliya, iyadoo dadka ka qeybgelayana ay ka madax bannaan yihiin Qabiil.

 

Hadafka laga leeyahay shirkan ayuu Saleebaan Colaad Rooble ku sheegay in uu yahay in lagu aas aaso Urur Siyaasadeed oo dalka ka xoreeya cadawga heysta ee Itoobiya iyo daba dhilifyada la shaqeeya ee ku taageeray in ay dalka qabsato.

 

Waxaa la qorsheeyey in ay shirka ka soo qeybgalaan dad gaaraya 450 qofood oo isugu jira qeybaha kala duwan ee ay bulshada Soomaliyeed ka kooban tahay, Siyaasiyiin Soomaliyeed oo caan ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku leh qadarin, Aqoonyahanno aad looga qadariyo dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyo marti sharaf caalami ah oo ka kala socda hey’ adaha caalamiga ah iyo Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea la soo xiriiray Hiiraan Online.

 

“Waxaan uga mahadnaqeynaa waddankan walaalkeen ah ee Eritrea sida aan hagrashada lahayn ee ay noogu casumeen dalkooda si aan uga tashanno aayaheenna iyo badbaadinta dalkeenna”ayuu mar kale yiri Saleebaan Colaad Rooble oo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadayaan in ay shirkooda ka soo saari doonaan wax ay ku farxaan oo ka soo saara dhibaatada iyo dulmiga.

 

Waxaan shacbiweynaha Soomaliyeed ee dulman u ballanqaadeynaa, haddii allaha awoodaahi ka raalli noqdo, inaan shirkan kasoo saarno wax ay ku farxaan oo ka saara dhibta iyo dulmiga.

 

 Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).